Isku xirrada

Warbixin: Xaaladda Soomaalida Cleveland


Magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, waa magaallo ay dagan yiihiin Soomaali ka badan 350 qof oo isagu jira kuwa halkaasi daganaa muddo dheer iyo waliba kuwa cusub.

Haddaba waxaaa dhawaan magaalada shaqo u tagay C/casiis Xuseen oo la kulmay jaaliyadda Cleveland, kana wareystay xaaladdooda iyo waliba sida ay uga qeyb galayaan doorashooyinka Maraykaknka ka dhacaya.

C/casiis ayaa barnaamij dood ah u qabtay Idiris Xasan Maxamed oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Cleveland Amina Aways, Yuusuf Faarax iyo Axmed Xasan Dhagaweyne oo saddexooduba ka mid ah jaaliyadda.

Hadalka waxaa ku hor maraya Idiris Xasan Guddoomiyaha jaaliyadda.

XS
SM
MD
LG