Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Adeegyadii Nile Academy oo Joogsaday


Nile Academy
Nile Academy

Waxaa gebi ahaanba hirgelay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku joojisay adeegyadii hay'adda Nile ee dalka Turkiga ay ka waday magaalada Muqdisho.

Goobaha ay ha'addan gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa isbitaalka Deva, halkaasi oo ay ka howlgelayeen 13 dhaqtar oo taqasusi ahaa.

Adeegyada sida gaarka looga heli jiray isbitaalkan waxaa ka mida mashiinada Kilyaha, kuwaasi oo Muqdishu ku yar, waxaana ku tiirsanaa dad gaaraya 50 bukaan.

Isbitaalka oo hadda guud ahaan haawanaya oo aan wax shaqo ah aysan ka socon ayaan waxaa booqday weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, waxaana uula kulmay agaasimaha Isbitaalka Deva Dr. Shaafici Maxamed Jimcaale oo ka waramay xaaladda bukaanadii ay gacanta ku hayeen.

Dhanka kale waxaa Idaacadda VOA ay waraystay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay buuxin doonto kaalinta ay baneenayso hay’adda Nile ee isbitaalka Deva iyo goobo waxbarasho oo kale.

Wareysi: Dr. Shaafici
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00
Wareysi: Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG