Isku xirrada

Bandhiga Buugaagta Hargeisa oo Furmay


Hargeisa International Book Fair

Hargeisa International Book Fair

Magaalada Hargeisa waxaa maanta ka furmay bandhiga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeisa ee Hargeisa International Book Fair, kaasi oo ay ka qayb galayaan marti ka kala socota illaa laba iyo toban wadan, kuwaasi oo isugu jira qoraa, sugaanyahano, iyo diblomaasiyiin ay ka mid tahay ku xigeenka safiirka dalka Britain u fadhiya Magaalada Addis Ababa Cat Evans.

Bandhigan oo ah kii sagaalaad ayaa lixda maalmood ee uu soconayo lagu soo bandhigi doono buugaag iyo suugaan kala duwan.

Dhinaca kalena Ayaan Maxamuud Cashuur oo ah Madaxa Kayd Arts and Culture oo ah hay'adda qabanqaabisa Bandhiga buugaagta Hargeisa, Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London iyo kulamo kale ayaa nagu soo booqatay toddobaadkan daarta VOA ee Washington.

Xaggan hoose ka dhegeyso warbixin ka hadlaysa bandhiga buugaagta iyo waraysiga Ayaan.

XS
SM
MD
LG