Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Weli Baadhaya Weerarka Munich


Wararka ka imanaya magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 18 jir isla markaana ah Iiraani Jarmal ayaa la sheegayaa inuu yahay qofka keliya ee geystay weerarkii lagu qaaday goobta laga dukaamaysto halkaas oo ay ku dhinteen illaa sagaal qof.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa isaga laftiisuna is dilay, isaga oo iska toogtay madaxa sida laga soo xigtay saraakiisha booliska Munich.

Illaa haatan ma jirto wax hadal ah oo laga hayo wiilka da’da yar oo uu kaga hadlayo weerarka uu geystay, sidoo kale taliska booliska ayaa sheegaya inay weli xilli hore tahay in weerarkan loogu yeedho mid argagixiso.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda Iran Bahram Ghasemi ayaa cambaareeyey weerarkan.

XS
SM
MD
LG