Isku xirrada

Toogasho ka Socota Munich


Dhowr qof ayaa lagu warramayaa inay dhaawacmeen kadib markii booliiska Jarmalka ay xaqiijiyeen in toogasho ay ka dhacday xarun lagu dukaameysto oo ku taalla magaalada Munich.

“Howlgal ballaaran ayay booliiska ka wadaan xarunta” waxaa sidaas barta twitter ku sheegay booliiska Jarmalka, ayaga oo aan bixin sharaxaad intaas dheer.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda mas’uulka ka ah toogashadan.

Warbaahinta Jarmalka ayaa ku warrameysa in dhowr qof la dilay, qaarna lagu dhaawacay toogashada xarunta laga dukaameysto ee Olympia ee magaalada Munich.

XS
SM
MD
LG