Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IOM: 3,000 oo Muhaajriin ah Ayaa Dhintay 2016


Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda Medhetereniyaanka tan iyo horraantii sanadkan 2016, sida ay hay’adda muhaajirinta caalamka ee IOM sheegtay Jimcaha maanta.

IOM ayaa sheegtay in dadka ay diiwaan galiyeen ee dhintay ay gaarayaan illaa iyo 2,977 oo qof, kuwaas oo aanay ku jirin kuwa laga yaabo in meydadkooda laga helo xeebaha maalmaha soo socda.

In ka badan 800 oo muhaajiriin ah ayaa Khamiistii gaarey xeebaha Yurub, waxaana tirada qaxootiga ah ee Yurub gaarey sanadkan 2016 ay gaarayaan 242,179, sida ay IOM sheegtay.

Tirada dadkaasi ku dhimanaya xeebaha ayaa kordhay sanadkan, waxana July 22, 2015, la soo wariyay in la diiwaan galiyay dhimashada 1,906 oo muhaajiriin ahaa.

XS
SM
MD
LG