Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jamhuuriga oo Caawa Caleemosaaraya Trump


Xisbiga Jamhuuriga ayaa caawa si rasmi ah u caleemo saaraya Donald Trump oo noqonaya musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinimada Maraykanka.

Donald Trump ayaa khudbad ka jeedinaya shirweynaha Jamhuuriga oo caawa ku soo xirmaya magaalada Cleveland.

Ergooyinka Jamhuuriga ayaa toddobaadkan si rasmi ah Donald Trump ugu magacaabay musharraxooda.

Trump ayaa ku soo guuleystay doorashooyinkii hordhaca ahaa ee ka socday dalka Maryakanka intik u dhaxeysa bishii Febraayo imo June.

Trump oo 70 jir ah ayaa noqonaya ganacsadihii ugu horreeyey ee muddo 70 sano ah loo doorto musharraxnimada xisbi ka tirsan Maryakanka.

XS
SM
MD
LG