Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ted Cruz oo Diiday inuu Taageero Trump


Senator Ted Cruz ayaa diiday inuu ayido oo taageero Donald Trump oo xisbiga Jamhuurigu ay u doorteen inu noqdo musharraxooda doorashada madaxtinimada ee bisha November dhici doonta.

Cruz oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Jamhuuriga ee Cleveland, ayaa Trump u hambalyeeyay magacaabista musharraxnimada Jamhuuriga, balse wuxuu ergadii shirka ka qeybgalaysay u sheegay in marka la gaaro doorashada bisha November uu qof walba waxa damiirkiisu farayo uu u coddoeeya, sidoo kalen ay u coddeeyaan musharraxa ay ku kalsoon yihiin inuu daacad u noqo doono dastuurka Maraykanka.

Ergada shirweynaya ayaa Cruz ku buuqay markii uu khudbadda dhammeeyay.

Cruz ayaa u muuqda inuu aaminsa yahay in Trump aanu ilaalin doonin dastuurka.

Durba hadalka Cruz, waxaa canbaareeyay siyaasiyiinta kale ee Jamhuuriga oo qaarkood ku tilmaamay nin daneyste ah..

Shirweynaha Jamhuuriga oo maalintii 3aad shalay ayaa waxaa hadheeyay khubdbadda Ted Cruz.

Donald Trump ayaa Cruz uga soo adkaaday doorashadii hordhaca ee Jamhuuriga, waxana labadooda dhex-maray haddalo aflagaado ah oo ay hawada isku mariyeen, iyadoo Trump uu wax ka sheegay kaaska Cruz imo walba Cruz aabihii.

XS
SM
MD
LG