Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo Xaalad Deg Deg ah Geliyey Turkiga


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay xaalada deg deg ah oo waddankiisa la galiyay, ka dib markii uu fashilmay isku day afgambi oo la doonayay in xukunka looga tuuro dowladdiisa, Jimcihii la soo dhaafay.

Xaaladda deg degga ah, ayaa uu waddanka Turkiga ku jiri doonaa muddo seddex bilood ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Erdogan, xilli uu bulshada kula hadlayay Tv-ga dalkiisa, gelinkii dambe ee Arbacada.

Go’aankaasi, ayaa waxa uu yimid kadib markii uu wada xaajoodyo isdaba joog ah uu madaxweyne Erdogan la yeeshay golaha ammaanka qaranka iyo wasiiradiisa.

Waxa uu Erdogan sheegay in sababta xaaladda deg degga ah waddanka loo galiyay ay tahay sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu macquulsan ee lagu soo celin karo dimuqraaddiyadda iyo nidaamaka iyo sharciga.

XS
SM
MD
LG