Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: 34 Qof Ayaa Lagu La'yahay Kenya


Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay ciidamada amniga ee Kenya inay mas’uul ka yihiin in la waayo dad gaadhaya 34 qof labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dadkan ayaa la waayey sida ay hay’addu sheegtay xilli ay socdeen hawlgallo liddi ku ah argagixisada oo ay Human Rights Watch sheegtay inay la socdeen tacaddiyo ka dhacay magaalada Nairobi iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Warbixin ay soo saartay maanta ayaa Human Rights Watch waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay soo af-jarto xadgudubyadaasi, islamarkaana baadhitaan lagu sameeyo dadka la waayey iyo kuwa la khaarajiyey.

Dawladda Kenya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedaha la xiriira dadka la waayey iyo kuwa la dilay, sidoo kale idaacadda VOA oo isku dayday inay la xiriirto ilaa haatan uma suurtogelin inaan khadka telefoonka ku helno mas’uuliyiinta Kenya.

Warbixinta waxaa soo akhriday oo soo koobaysa Sahra Ciidle Nuur.

Warbixin: Sahra Ciidle
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00


XS
SM
MD
LG