Isku xirrada

Shirka Jamhuuriga oo Galay Maalinta Labaad


Melania Trump

Melania Trump

Shirka guud ee xisbiga Jamhuuriga ee ka socda magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ayaa maanta galaya maalintiisii labaad, ayada oo diiradda lagu saari doona dhaqaalaha.

Dadka la filayo inay maanta ka hadlaan shirka waxaa ka mid ah afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Paul Ryan iyo musharaxiintii hore ee madaxtinimada Chris Christie iyo Ben Carson.

Xaaska Donald Trump oo khudbad xalay ka jeedisay shirka ayaa waxa ay si aad ah ugu ammaantay seygeeda.

“Haddii aad dooneysaan qof adinka iyo dalkiina u dagaalama, waxaan idiin xaqjjin karaa in Trump uu yahay qofkaas” ayay tiri Melania Trump.

Si kastaba khudbadeeda ayaa dhalisay su’aalo badan kadib markii suxufiyiinta ay ogaadeen inay aad ugu ekeyd khudbad ay sanadidi 2008 jeedisay xaaska madaxweyne Obama Michelle Obama.

Ololaha Donald Trump ayaa beeniyey in Melania ay soo min guurisay hadalladii Michelle Obama.

XS
SM
MD
LG