Isku xirrada

Shirweynaha Jamhuuriga oo Cleveland ka Furmay


Republican National Convention, Cleveland, Ohio.

Republican National Convention, Cleveland, Ohio.

Shirweynaha guud xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, ayaa maanta ka furmaya magaalada Cleveland ee gobolka Ohio.

Shirkan oo xooga lagu saari doono ammaanka qaranka Mareykanka iyo dadka soo galootiga ah ayaa geba gabadiisa waxaa lagu magacaabi doonaa Donald Trump inuu noqdo musharaxa rasmiga ah ee xisbiga jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada ee sanadkaan ka dhaceysa Mareykanka.

Dadka ka hadli doona shirweynaha ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyihi hore ee gobolka Texas Rick Perry, hooyada dhashay muwaadin Mareykan ah oo lagu dilay magaalada Benghazi, Libya, qaar ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa in wax laga bedelo arrimaha soo galootiga, duqii hore ee magaalada New York iyo xaaska Donald Trump. Melania Trump.

Todobaadka danbana waxaa lagu wadaa shirweyne ay xisbiga Dimoqraadiga ku yeelan doonaan magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania, in ay ku caleema saaraan Hillary Clinton si ay u noqoto musharaxa rasmiga ah ee Dimoqraadiga uga qeybgali doona doorashooyinka madaxtinimada dalka Mareykanka ee sanadkaan.

XS
SM
MD
LG