Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Africa oo Hal Baasaboor Yeelanaysa


Madaxweynayaasha Dalalka Midolwga Africa ee ku Shirsan magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa maanta, isla qaatay baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaas oo ay qaadan karaan dhamaan dadka Africa marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Hey’adda Midowga Africa ayaa maamuleysa Baasaboorkan, Waxaa baasaboorkii ugu horeeyay la siiyay Madaxweynaha dalka Chad oo haatan haya xilka madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame, oo dalkiisa uu martigelinayo shirkan

Dhinaca kale, Madaxda Shirkaasi ka qeyb galeysa ayaa isku raacay qorshe cusub oo lagu maalgelinayo howlaha Midowga Africa.

Dhageyso Madaxda Afrika
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:10 0:00

XS
SM
MD
LG