Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Africa Oo Eedeeyey ICC


African Union Building Addis Abeba
African Union Building Addis Abeba

Golaha Golaha Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada ee ururka Midowga Africa ayaa ku eedeeyey Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ICC in aysan ka eexato dalalka Africa.

Bishi April ee sanadkaan Ururka Midowga Africa ayaa magacaabay guddi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Itooboobiya kaasoo la shaqeyn doona Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada dagaalka si ay hal mowqif usula qaataan.

Iyadoo lagu wado inuu todobaadkaan uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka furmo Shirweynaha Midowga Africa ayuu afhayeen u hadlay Golaha oo lagu magacaabo Joseph Chilengi u sheegay wariyaasha in Maxkamada ICC aysan aheyn mid madax banana.

Guddigaan ayaa kula taliyey dalalka Africa ee xubnaha ka ah Maxkamada ICC in ay isaga baxaan ilaa Maxkamada ay kasoo baxdo saddex shardi oo uu ugu weyn yahay in madaxda Africa la siiyo xasaanad aanan lagu maxkamadeyn karin.

Farriintaasi ayaa waxaa hada dabaqay Golaha Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada ee ururka Midowga Africa oo ah guddi talabixineed oo ay doorteen ururrada bulshada rayidka ah ee dhamaan Qaarada.

Iyadoo lagu wado inuu todobaadkaan uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka furmo Shirweynaha Midowga Africa ayuu afhayeen u hadlay Golaha oo lagu magacaabo Joseph Chilengi u sheegay wariyaasha in Maxkamada ICC aysan aheyn mid madax banaan.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba maxkamdeyn Madaxda Waqooyiga Ameerica iyo kuwa Yurub.

"Boqolkiiba 70 bajatka ku baxa Maxkamada ICC waxaa bixiya Midowga Yurub waana arrin xadgudub ku ah heshiiskii Roma oo dhahayey waa in xubin ka tirsan Maxkamada Danbiyada Dagaalka aysan bixin wax ka badan boqolkiiba 22, sida aan ognahayna waa iyaga kuwa bixiya amarka iyo diidmadaba.." ayuu yiri Md. Chilengi.

Ururuka Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay in xasaanad lasiiyaa madaxda dalalki saxiixay heshiiskii Roma, ay taasi ka hor imaan doonto qaanuunka Maxkamada.

Afhayeen u hadlay Human Rights Watch haweeneyda lagu magacaabo Elise Keppler ayaa VOA-da u sheegtay in dalalka Nigeria, Senegal,iyo Ivory ay kasoo horjeedaan qorshaha ay madaxda Africa ku rabaan in ay kaga baxaan xubinnimada maxkamada ICC. Waxaa kale oo ay diideen in ay ka qeyb galaan dood ay arrintaasi todobaadkaan ka yeesheen Guddiga Fulinta ee ururka

XS
SM
MD
LG