Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Somalia oo Erdogan Garab Is-taagtay


Dawladda Turkga ayaa sheegtay inuu fashilmay afgambi la isku dayey in lagu minja-xaabiyo xukuumadda waddankaasi ee uu hoggaamiyo xibsiga AK Party ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Xalay fiidkii ayaa askar wadata taangoyo waxay xireen buundooyinka waaweyn ee magaalada Istanbul iyo garoonka diyaaradaha, waxayna telefiishanka waddankaasi askartu ka sheegtay inay la wareegeen talada isla markaana tallaabadaasi u qaadeen ilaalinta dimqoraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha sida ay hadalka u dhigeen.

Hase yeeshee daqiiqado ka dib ayaa madaxweyne Erdogan uu hadlay isagoo isticmaalaya kaamaradaha yar-yar ee telefoonnada Apple-ka ku rakiban isagoo dadweynaha u sheegay inay ka hortagaan afgambiga, waxaana uu muddo gaaban kadib kusoo laabtay Istanbul.

Iska horimaadyo xooggan ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Ankara. Ku dhowaad 200 qof ayaa dhintay, tiro kale oo bandanna waa la qabqabtay. Madaxweynaha Turkiga ayaa afgambiga ku eedeeyey dhaqdhaqaaq uu hoggaamiyo imam lagu magacaabo Fethullah Gulen oo fadhigiisu yahay dalkan maraykanka, hase yeeshee imaamkaasi waa uu beeniyey inuu wax lug ah ku leeyahay, waana uu cambaareeyey.

Hoosta ka dhageyo warbixino iyo wareysi arrintaas ku saabsan

Dhageyso Taageerada Dawladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:15 0:00

XS
SM
MD
LG