Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Aniga ayaa Gacanta ku Haya Dalka


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa u xaqiijiyey umaddiisa in uu isagu gacanta ku hayo talada dalka, isla markaana isku daygii afgambi ee xubno ciidanka ka tirsani ay sameeyeeni uu dhamaaday. Qaraxyo iyo rasaas ayaa saaka laga maqlayey xarunta dalka ee Ankara iyo waliba Istanbul.

Ra’iisal Wasaare Binali Yildrim ayaa galabta dadka reer Turki la halday, isaga oo isku-daygii ku sheegay in bar madow oo Turkiga ku ba’day.

Waxa uu sheegay in wajigii koowaad ee afgambigu uu dhamaaday. Waxa uu intaas ku daray in 2839-ka sarkaal iyo askari ee afgambiga isku dayey ciqaab la marsiin doono.

Xukunka dilka hadda lagama ogolada dalka Turkiga, hase yeeshee, Ra’iisal Wasaare Yildrim ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa laga yaabo arrintaas in wax laga beddelo ay raadiso.

Madaxweyne Erdogan ayaa saaka u duulay magaalada Istanbul, isku-daygii afgambina ku sheegay khayaano ay la yimaaddeen xubno xumaaday oo saraakiisha ciidanka ka mid ah. Waxa uu sheegay in hubkii dadku lahaa ay iyagii ku soo jeediyeen. Waxa uu sheegay in kuwaasi ayna guuleysaneynin in Alla inta dadku ay ka soo horjeedaan. Hadalkan ayuu u jeediyey dad badan oo calanka dalkaas lulayey meel ka baxsan gegida dayuuradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

XS
SM
MD
LG