Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Iskudaygii Afganbiga waa laga Hortagay


Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan ayaa cabaareeyey isku-day afgambi oo dalkaasi ay ka sameeyeen saraakiil cidamada ka tirsan, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid khiyaano ah.

Erdogan oo ka dagan garoonka diyaaradaha ee Istanbul ayaa khudbad TV-ga ka jeediyay, iyadoo boqolaal taageerayaashiisa ah ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Ataturk ee Istanbul.

Erdogan ayaa sheegay in RW Turkey uu bixiyay amarro lagu "tirtirayo" ciidamadii ku lugta lahaa iskudayga afganbi, kuwaasoo intooda haatan la xir-xirayo.

Ciidamada Turkiga xalay Jimcihii sheegay inay awooddii dib u qabsadeen, laakiin saraakiisha Turkiga ayaa goor sii horeysay saaka oo Sabti ah sheegay in afganbigii la fashiliyay. Xukun deg-deg ah ayaana dalka lagu soo rogay.

In kabadan 50 qof oo u badan rayid ayaa ku dhintay rabshado iyo rasaas dhacaysay xilligii lagu jiray iskudayga afganbiga.

RW Turkiga ayaa sheegay in xaaladda imika gacanta lagu hayo.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinno ka hadlay xaaladda Turkiga.

Dhageyso Warbixinno kusaabsan Turkiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:54 0:00

XS
SM
MD
LG