Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sannad Kadib Heshiiskii Nuclear-ka Iran.


Muddo laga joogo hal sano gudaha hotel kuwa raaxada ah oo ku yaala magaalada Vienna ee dalka Austria waxaa kasoo muuqday diblamaasiyiin aad u daalnaa oo ka socday Iran iyo lixda wadan ee Dalalka Galbeedka ugu quwadda weyn.

Saraakiishaasi waxay xilligaasi isla gaareen heshiis muhiim ah oo xadeynaya barnaamijka niyukleerka Iran taasi badalkeedana Iran laga qaadayo cuna qabateynta dhanka dhaqaalaha.

Maanta heshiiskaas wuu dhaqan galay waxaana kasoo baxay natiijo cad oo wax ku ool ah, hase yeeshee waxaa jira shaki ay labada dhinac kala qabaan kaasoo ay dhinacyada heshiiska saxiixay uu midba midka kale uga baqayo in uu mas’uuliyaddiisa kasoo bixi waayo.

"Waxaan u baahannahay inaan sii wadno howsheena, waana sii wadi doonaa inaanu ka shaqeyno, waxaan shaqadaan u xilsaarnay safiir kaasoo isaga iyo kooxdiisa maalinba maalinta ka danbeysa geliya dadaal dheer si ay u xaqiijiyaan in heshiiska uu sii jiro. Sidaasi darteed waxaan awoodi doonnaa inaan xallino dhibka," Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry.

Wadahadaladan ayaa markoodii hore bilowday sanadki 2002 kadib marki ay Dalalka Galbeedka ay ka war heleen in Iran ay ku howlantahay bacriminta barnaamij niyukler ah, balse Iran arrintaasi waa ay beenisay.

Waxaa jiray cuna qabateeno ay soo rogtay Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo ay ku rideen Iran Mareykanka iyo Midowga Yurub si ay cadaadis ugu saaraan Tehran in ay isaga harto howlaha la xiriira sameysashada Niyukleerka.

Laakin Iran waxay sii wadatay bacriminta niyukleerka gaar ahaan maadada yuraaniyamta, halka cunaqabateynta la dul dhigay ay aad u dhaawacday dhaqaalaheeda.

Wada xaajoodka ayaa soo gaaray meel sare kadib marki Iran iyo koox dalal ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Britain, China, France, Russia iyo Germany ay gaareen heshiis xadeynaya kobcinta niyukleerka ee Iran taasoo ay Iran ku badalatay in laga qaado cuna qabateynta dhinaca dhaqaalaha.

Wada hadalada niyukleerka Iran oo marna istaagayey marna soconayey ayaa ugu danbeyntii heshiis weyn lagu soo gaba gabeeyey sanadki 2014 kaasoo ay dhinacyada ku saxiixeen magaalada Vienna.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa heshiiskaasi kadib sheegay in Aduunyada Wanaageeda ay micnaheedu tahay xaqiijinta in aysan Iran heysan hub niyukleer ah, halka dibolamaasiyiinta ku lugta lahaa heshiiskaasi ay tilmaameen in heshiska uu tusaale u yahay sida ay aduunyada kala duwanaashaheeda ugu xalin karto dariiq nabad ah.

Madaxa arrimaha dibada ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa bogaadisay heshiiska, iyada oo ku tilmaantay bog cusub oo u furmay xiriirka caalamiga ah taasoo loo isticmaalay hab diblamaasiyadeed si loo xaliyo khilaad muddo sanada ah soo jiitamayey.

Wasiirka arrimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarif ayaa dhankiisa sheegay in inkastoo heshiiska uusan aheyn mid dhameystiran, uu hadana yahay libin muhiim ah oo la gaaray isla markaana saldhig u ah bilow cusub oo xaga diblamaasiyada ah.

Kadib marki heshiiska niyukleerka Iran uu helay ansixin sharci ah, waxa uu noqday dhaqangal bishii Janaayo. Iran waxa ay qaaday kumanaan mashiin oo ah kuwa loo adeegsado sameynta maadada uraaniyamta, sidaasi si la mid ah quwadaha aduunka ayaa iyaguna ka qaaday Iran xayiraada, sida in la fasaxay malaayiin dollar oo uga xayirnaa aduunyada taasoo wadada u xaartay fursado cusub oo dhinaca ganacsiga ah.

Bishi lasoo dhaafay shirkada sameyso diyaaradaha ee Mareykanka ee Boeing ayaa ku dhawaaqday in ay dowlada Iran kula heshiisay in ay ka iibiso ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah kuwa rakaabka.

Laakin 12-ki bilood ee lasoo dhaafay saraakiisha Mareykanka iyo Iran waxa ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen dhaqangelinta heshiiska niyukleerka iyaga oo muujiyey sida ay isaga kala shakisanyihiin.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Arbacadi sheegay in hadii ay quwadaha aduunka ay ku guuldareystaan in ay kasoo baxaa mas’uuliyadooda ku aadan heshiiska, n Iran ay dib ugu laaban doonto barnaamijkeedii niyukleerka.

XS
SM
MD
LG