Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyada ka Socda Maraykanka


Magaallooyin ka tirsan dalkan Maraykanka waxaa habeennkii 5aad ka dhacaya dibadbaxyo looga soo horjeedo tacdiyada booliska ee dadka Madow.

Dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo madxaweynihii hore George ?Bush ayaa maanta oo Salaasa ah tagaya magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaasi oo xus looogu samaynayo shan askarta booliska ka tirsanaa oo nin madow uu halkaasi ku dilay.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa inuu ka hadlo dilkii askarta, waxaana la filayaa inuu isku soo dhaweeyo dadyowga Maraykanka oo qaarkood kala qeybsan.

Haddaba dibadbaxyada socda iyo wali waxa la filayo inuu ka hadlo Madaxweyne Obama ayaan waxaa VOA uga warramay Eng. Cbdi Daahir Aayeh oo ka mid ah Soomaalida muddo badan dagan magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Wareysi: Dibadbaxyada Maraykanka.
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:37 0:00

XS
SM
MD
LG