Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dallas: Nin Si Khaldan ay Boolisku Sawirkiisa u Baahiyeen


Dallas police.
Dallas police.

Nin hubaysan oo ka mid ahaa dadka sida nabadgelyada ah u samaynayey banaanbax looga soo horjeedo habdhaqanka booliska Maraykanka oo ka dhacayey gobolka Texas ayaa boolisku si aan sax ahayn ay sawirkiisa u baahiyeen iyaga oo ku sheegay inuu yahay qofkii loo tuhmayey weerarkii lagu laayey askarta booliska ah.

Booliska ayaa Mark Hughes muuqaalkiisa ku baahiyey bartooda rasmiga ah ee Twitterka.

Ninkaas ayaa markii boolisku ay sawirkiisa shaaciyeen wuxuu la kulmay hanjabaado dil ah iyo handadaad kala duwan.

Hughes war badan kamuu hayn inuu yahay nin ay boolisku raadinayaan, hase ahaatee saaxiibkiis ayaa markii uu warbaahinta ka arkay la soo hadlay sidaas ayuuna ku ogaaday.

Gobolka Texas waa sharci in dadka haysta ogolaanshuhu ay si furan u qaadan karaan hubka uu ka mid yahay qoriga Rifle-ku.

XS
SM
MD
LG