Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Save The Children oo Ka Digtay Abaaraha Ethiopia


Hey’adda badbaadada caruurta ee marka la soo gaabiyo la yirahdo, Save The Children ayaa ka digtay saameynta mushkiladda abaareed ee ka jirta dalka Ethiopia, oo haatan gudaha u sii galaya xilliga qaboobaha oo aaney roobabku da’eyn

Abaaraha ku dhuftay Ethiopia ayaa lagu tilmaamaa kuwii ugu ba’anaa ee dalkaasi ku dhufta muddo 50 sanadood ah.

Save The Children waxa ay sheegtay in gurmad beesha caalamku ay u sameyso Ethiopia uu noqonayo mid lagama maarmaan ah.

Dad lagu qiyaasay inay ka badanyihiin 10 malyan oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad lix kun oo caruur ah, ayaa ku sii tiirsanaan doona gargaarka cunno ee deg deg ah, illaa ay ka soo go’ayaan dalagyada beeraha bisha November.

Save The Children waxa ay sheegtay in laba sano oo dalkaasi Ethiopia ay ka jireen abaarihii ka dhashay dabeylahii Elnino, iyo weli saameynta abaarta ee caruur ka badan hal malyan iyo qoysaskood ay taagan tahay, sida biyo la’aan, cunta la’aan, macluul, nafaqa darro iyo waxbarasha la’aan.

XS
SM
MD
LG