Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Dablay 5 Askari Ku Dishay Dallas


Askari Boolis ah ayaa ilaalo uga jira waddo ku taalla bartamaha magaalada Dallas, Khamiis, July 7, 2016.
Askari Boolis ah ayaa ilaalo uga jira waddo ku taalla bartamaha magaalada Dallas, Khamiis, July 7, 2016.

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay shan askari oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee magaalada Dallas ee dalka Mareykanka iyagoo sidoo kale dhaawacay 6 kale.

Madaxa ciidamada booliska ee Dallas David Brown, Mareykanka, ayaa sheegay in horraantii Jimcaha maanta in loo soo xirey dhacdadaasi seddex ruux oo laga shakisan yahay inay weerarka qeyb ka ahaayeen.

Dhacadani, ayaa waxay timid, kadib markii dad ka careysan dilal meelo kale ay askar booliis caddaani ahi ugu geysteen dad madow ah ay isugu soo baxeen magaalada Dallas, si ay u muujiyaan sida ay arrintaasi uga xun yihiin.

Booliska Dallas, ayaa dilay hal ruux oo kale oo laga shakisan yahay in uu ka mid ahaa kooxdii toogashada u geystay ciidamada booliska, waxaase inta uusan dhiman ruuxaasi la galeen wada xaajoodyo, kaas oo markii dambe isku baddalay gacan ka hadal.

Ma cadda haddii ruuxaasi uu ku dhintay rasaasta la is weydaarsaday ama uu isaga is dilay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, oo magaalada Warsaw ee dalka Boolan uga qeyb galaya shirka NATO, ayaa weerarkaasi cambaareeyay.

Waxa uu ku tilmaamay in booliisku ay qabanayaan shaqo aad iyo aad u adag, islamarkasina dilalka loo geystay ay dadka xasuusineyso halisaha ayboolisku wajahayaan mar kaste.

Madaxa booliska David Brown, ayaa sheegay in seddexda ruux ee la soo xiray ay mid ka mid ah tahay haweenay.

XS
SM
MD
LG