Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da "Kuma Talineyso in Dacwado Lagu soo Oogo Clinton"


James Comey
James Comey

Agaasimaha hay’addaa dambi baarista Mareykanka ee FBI-da James Comey ayaa sheegay inaysan ku talineyn in dacwado lagu soo oogo Hillary Clinton oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga, sababo la xiriria isticmaalkeeda email-ka.

Waxa uu sheegay in baarayaashu aysan hayn wax caddeymo ah oo muujinaya in Clinton ay si ula kac ah u tirtay emailo la xiriira shaqadeeda, intii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Si kastaba waxa uu sheegay in Clinton iyo shaqaalaha Waaxda Arrimaha dibedda Mareykanka ay si taxadar la’aan ah u dhaqmeen.

Comey waxa uu sheegay inay suurto gal tahay in quwado shisheeye ay heleen xogtii ku jirtay qaar ka mid ah emailadii ay Clinton isticmaashay, ayada oo adeegsaneysa email-keeda shaqsiga ah.

Waxa uu sheegay in 110 ka mid ah in ka badan 30,000 oo email oo ay dirtay Clinton ama heshay ay ku jireen sir xasaasi ah waqtigaas.

Natiijada baaritaankooda ayaa loo gudbin doonaa waaxda caddaalada Mareykanka oo go’aan ka gaari doonta, hase yeeshee Comey waxa uu sheegay inuusan arkin sabab dacwad ooge uu kiis ugu furi karo Clinton.

XS
SM
MD
LG