Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeddah: Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Qunsuliyadda USA


Wasaaradda Arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay maanta in nin isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Jeddah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada ay ninkaas aad uga shakiyeen, markii ay kusoo dhaqaaqeenna uu is-qarxiyey.

Qaraxan ayaa wxaaa ku dhintay ninkii fuliyey, islamarkaana laba ka mid ah ilaalada ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud.

Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in wax dhib ah uusan soo gaarin shaqaalaha qunsuliyadda.

Safaaradda ayaa mar kale ku celisay digniinaheeda ku wajahan Sacuudiga, ayada oo ku boorisay dadka Mareykanka inay xaddidaan safarrada aan muhiimka ahayn ee ay ku tagayaan Sacuudiga.

Sanaddii 2004-tii ayaa mintidiin xiriir la leh Al-Qacida oo hubeysan waxay bam gacmooyin ku weerareen qunsuliyaddan, kadibna dagaal dhex maray ayaga iyo ciidamada ilaalada ah ee Scauudiga ayaa waxaa ku dhintay shan ka mid ah shaqalaha qunsuliyadda oo aan Mareykan ah.

XS
SM
MD
LG