Isku xirrada

Ciidamada Bangladesh oo ka Hadlay Weerarkii Makhaayadda


Waxaa shalay weerar lagu qaaday makhaayad ay inta badan ka cunteeyaan dadka ajnebiga ah, halkaas oo kooxdii weerarka geysatay ay gudaha makhaayaddaas ku qabsatay dadkii ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka Bangladesh ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo badbaadiyey qaar ka mida dadkii goobtaas lagu qabsaday.

Ciidamada Milateriga oo saaka ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay dhinteen illaa 20 qof oo rayid ah.

General Naciim Asraf ayaa hadal jeediyey ka dib markii ay soo afjareen weerarka oo saacado badan qaatay isla markaana kooxda weerarka geysatay ay gudaha makhaayadda ku hasten qaar ka mida dadkii wax ka cunayey.

Masuuliyiin kale oo ka tirsn dalka Bangladesh ayaa sheegaya in 20 qof ee la dilay ay dhammaantood ahaayeen ajnebi gaar ahaan badankoodu u dhashay Japan iyo Talyaaniga.

XS
SM
MD
LG