Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pantagon: Waxaan Dilnay Labo Abbaanduule


Duqeymo xagga cirka oo Maraykanku uu hormood ka yahay ayaa toddobaadkii hore lagu dilay labo abaanduule oo ka tirsan ururka ISIS. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay in dilkani uu ka dhacay meel u dhow magaalada Mosul.

Wasaaradda ayaa sheegtay abaanduulayaasha la dilay uu ku jiray kuxigeenka wasiirka dagaalka ee ururka, kaas oo hogaaminayey markii ururku uu qabsaday magaaladaas Mosul sanadkii 2014kii.

Afhayeenka wasaaradda Peter Cook ayaa sheegay in magacyada ragga la dilay ay kala ahaayeen Basim Muhammad Ahmad Sultan al-Bajari oo kuxigeenka wasiirka dagaalka, Xaatim Taalib al-Xamduuni oo ahaa abaanduule ciidan.

Ka dib markii ciidanka dalka Ciraaq uu magaalada Fallujah ka saaray ururka ISIS, ayaa waxa ciidanku uu hadda ku sii jeedaa magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee Ciraaq ugu weyn.

Hogaamiyeyaasha ciidanka ee Ciraaq ayaa sheegay in rajeynayaan in dhamaadka sanadkan ay xoreeyaan magaaalada Mosul, hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa rumeysan in waqti intaas ka badan ay qaadan karto.

XS
SM
MD
LG