Isku xirrada

Qodobada lagu Heshiiyey Shirka Baydhabo


Hoggaamiyayaasha madasha qaranka ee ku shirayey magaalada Baydhaba ayaa goor dhowayd halkaasi kasoo saaray war murtiyeed ka kooban qodobo kala duwan oo ka hadlaya maqaamka xaaladda caasimadda Muqdishu, kordhinta tirada Aqalka Sare, guddiyada doorashada iyo qodobo kale.

Qodobada lagu heshiiyey ayey ka mid yihiin in laba xubnood oo beelaha banaadiriga ah lagu daro Aqalka Sare ee Senate-ka, inay dhammaystireen isla markaana saxiixeen liiska rasmiga ah ee odayaasha dhaqanka oo ka kooban 135 oday iyo in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha iyo qaab-dhismeedka guddiyada hirgelinta doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG