Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Tirinta Codeynta oo Socota


Dad leen ugu jira iney codeeyaan
Dad leen ugu jira iney codeeyaan

Codeyntii taariikhiga aheyd ee ku aaddaneyd haddii Britain ay ka baxeyso Midowga Yurub iyo in kale, ayaa soo dhammaatay, iyadoo tirinta codadkuna ay socoto.

Horraanta Jimcaha, ayaa la ogaan doonaa natiijada codeyntaasi, oo taabaneysa arrimo ay ka mid yihiin soo galootiga, ammaanka iyo dhaqaalaha Britain ee mustaqbalka.

Goobihii codbixinta ayaa la xirey Khamiistii waqtigii loogu tala galay, iyadoo ay ka jireen roobab iyo daadad xooggan koonfurta Ingriiska.

XS
SM
MD
LG