Isku xirrada

Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyada Gallan oo Dagaallamay


Ciidamada Puntland (Sawir hore)

Ciidamada Puntland (Sawir hore)

Dagaal ayaa maanta degmada Carmo ee gobolka Bari ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyo uu wato guddoomiyhii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Cabdisamad Gallan iyo ciidamo uu wato ayaa soo gaaray deegaanka Carmo 21-kii bishan, waxaana tan iyo markaas deegaanka ka jirtay xiisad.

Dagaalka oo billowday saaka waaberigii, ayaa ahaa mid la isku adeegsaday qoryaha culus ee goobaha fog laga soo rido, balse aysna jirin ciidan si toos ah isaga horyimid.

Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.
Haddaba sida ay wax u dhaceen ayaa Ismaaciil Farjar waxa uu ka wareysaty weriyaha VOA ee Boosaaso Faaduma Yaasiin Jaamac.

XS
SM
MD
LG