Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababare Jaamac Karaaciin oo Lagu Xiray Spain


Booliska dalka Spain ayaa shalay xiray tababare Jaamac Adam Karaaciin oo tababare orodyahanno ay ka mid tahay Genzebe Dibaba oo Ethiopia u dhalatay oo haysata koobka orodka caalamka ee 1500 mitir.

Jaamac Karaacii ayaa lala xidhay nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda, waxaana xadhigoodu yimid kadib markii booliska ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaartoy kale, halkaasi oo laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baareen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa.

Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay in tan iyo 2013 nuu sannad walba tababar ku qabto halkaasi.

In kabadan 60 irbadood oo la isticmaallay ayay booliska hotelka ka heleen, mana sheegin boolisku in dhammaan cirbaddahaasi laga helay qolka Jaamac Karaaciin ama qolka tababaraha kale.

Hotelka ay booliska Spain galeen, waxaa kaloo ku jiray orodyahanno ay ku jirto Dibaba, iyo ku kale oo ka yimid waddamada kala ah Somalia, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Masar iyo Qatar.

Xadhigan ayaa imanaya iyadoo wax ka yar laba bilood ay ka dhiman tahay bilowga ciyaaraha olombikada ee Rio ee dalka Brazil. Genzebe Dibaba ayaa loo badinayaa inay ku guuleystao 1500 ee mitir ee dumarka ee ciyaaraha olompikada Rio De Janeiro.

Wargeyska the Telegraph ee Britain ka soo baxa ayaa sheegay in orodyahanka Britain ee Asalkiisu Soomaaliga yahay Mo Farah uu iska fogeeeyey inuu haatan wax wadashaqeyn ah la leeyahay tababare Jaamac Karaaciin.

XS
SM
MD
LG