Isku xirrada

Culimada Minnesota oo ka Hadlay Weerarkii Orlando


US Orlando Shooting

US Orlando Shooting

Madaxda caalamka ayaa cambaareeyey weerarkii ka dhacay magaalada Orlando ee dalkan Maraykanka halkaasi oo nin hubaysan uu ku toogtay kuna dilay 49 qof. Booliiska ayaa ninkaasi toogtay.

Ururka ISIS ee ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabo Cumar Matiin uu ka tirsanaa askartooda.

Booliiska iyo hay’adda dambi-baadhista ayaa baadhaya xiriirka ka dhexceeya ninkaasi iyo kooxaha xagjiriinta.

Dhinaca kalena Muslimiinta dalkan Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarkaasi lagu qaaday naadiga lagu caweeyo.

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif waa Imaamka Masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis, waxaana sida uu u arko weerarkaasi uga warramay weriyahayaga Maxamuud Mascadde.

XS
SM
MD
LG