Isku xirrada

Ethiopia iyo Somaliland oo Hargeisa Shir ku Yeeshay


Ethiopian and Somaliland Ministers

Ethiopian and Somaliland Ministers

Wefti uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha arrimaha debedda ee Itoobiya Regasa Kefalewu ayaa safar ku tegay magaalada Hargeysa, waxaanay wada-hadallo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland.

Kulankaasi ka dib, ayaa waxa warbaahinta si wadajir ah ula wasiirka arrimaha debedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha debedda ee Itoobiya Regasa Kefalewu, waxaanay sheegeen in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ku jirtay dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Gaashaamo ee xuduudka labada dhinac, halkaas oo qiyaastii dad labaatan gaadhaya ay ku dhinteen, dad badan oo kalena uu dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii ciidamo ka socda Itoobiya iyo dadka deegaanka uu iska-horimaan dhexmaray.

Sidoo kale qodobada ugu muhiimsan ee kulankaas lagaga wada hadlay ayaa waxaa safka hore kaga jirtay arrinta isticmaalka dekedda Berbera.

XS
SM
MD
LG