Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Dishay 7 Qof oo Ku Eedaysnaa Basaasnino


Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay khaarajiyeen laba ka tirsan maleeshiyadooda oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya kadib markii lagu helay inay ku jireen basaasnimo sida lagu eedeeyey.

Labada nin oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Mombasa iyo Eldoret ayaa shalay lagu toogtay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Waxa isla Jilib shalay lagu toogtay nin kale oo Soomaali ah oo isna lagu eedeeyey inuu basaas ahaa, ninkan ayaa isna lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa dawladda Kenya.

Dhinaca kalena Tulada Buula Fuulay ee Gobolka Bay-na waxaa Al-Shabab isla shalay ay ku toogteen afar qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen basaasimo iyaga oo u shaqaynayey hay’adaha sirdoonka Maraykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Eheleda mid ka mid ah dadka lagu toogtay Buula Fuulay oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cusmaan ayaa idaacadda VOA u sheegay inuusan lug ku lahayn waxyaabaha lagu soo eedeeyey oo uu macalin ka ahaa magaallada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Eheleda ayaa sheegay ninkaasi in la la’aa tan iyo sannadkii 2014-ka kadibna xaaladdiisa dilkiisa ay ka war heleen shalay.

Dadka kale ee la dilay waxaa ka mid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Nuur Xasan oo Al-Shabab ay ku eedeeyeen inuu lug ku lahaa dilkii loo gaystay hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane. Waxaa sidoo kale ninkaasi lagu eedeeyey inuu door ku lahaa dilka Cabdishakuur Tahliil iyo Yuusuf Dheeg oo ka tirsanaa isla ururka Al-Shabab madaxdooda.

Waxaa sidoo kale dadka la toogtay ku jiray Muxiyadiin Hiraab Axmed iyo Xuseen Nuunow Nagaay oo lagu kala eedeeyey inay u basaasayeen Kenya iyo Soomaaliya sirdoonkooda.

Dhammaan eedaha loo soo jeediyey dadkan ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin karin inay jiraan maadaama Al-Shabab aysan soo bandhigin inta badan caddaymaha loo hayo eedaha.

XS
SM
MD
LG