Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Feeryahan Muhammad Ali oo Maanta La Aasayo


Tobannaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxaya magaalada uu ku dhashay Muslimkii ugu caansanaa Mareykanka abid, si ay uga qeyb galaan aaska loo sameynayo Kalaay maanta oo Jimco ah.

Maxamed Cali Kalaay, ayaa ku dhintay Jimcihii hore da’da 74-aad.

Dadka ayaa isugu soo bixi doonaa muddo sagaashan daqiiqo ah illaa iyo 37 KM oo magaalada uu ku dhashay Maxamed Cali ee Lousville, Kentucky, kuwaas oo soo mari doona goobaha muhiimka u aheyd nolosha Maxamed Cali Klaay, kadibna isugu imaan doona qabuuraha Cave Hill, halkaas oo lagu aasi doono.

Waxa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabadda aaska in ka badan 15 kun oo ruux.

Khamiistii ayaa janaasad loo sameeyay Maxamed Cali wax aka qeyb galay illaa iyo 14 kun oo Muslimiin ah kuwaas oo meelo kala gaddisan isaga kala yimid.

Xubno magac ku leh bulshada oo ay ka mid yihiin feeryahanno, jilaayaal ayaa ka mid ah dadka ka qeyb galaya aaska Maxamed Cali Kalaay.

XS
SM
MD
LG