Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warmurtiyeed Kasoo Baxay Kulamadii Madaxda Somalia iyo Kenya


Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta
Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta, ayaa soo geba gebeeyey wada-hadallo laba maalin uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulamadaasi ayey labada madaxweyne xoogga ku saarayeen arrimaha qaxootiga, socdaalka labada wadan, iskaashi dhaqaale oo dhex mara labada waddan iyo amaanka.

Labada madaxweyne ayaa isku afgartay qodobkii la xiriiray socdaalka, hase yeeshee waxey guddi ka soo shaqeeya u saareen arrinta qaxootiga, waxayna ugu dambeyn war-murtiyeed ka soo saareen kulankoodii.

Haddaba, waxaan qadka taleefanka ee magaalada Nairobi goor dhow kula xiriirnay afhayeenka madaxtooyada Somalia, Daa’uud Aweys Jaamac, oo aan wax ka weydiinay war-murtiyeedka ay soo saareen labadan madaxweyne.

Wareysi: Daa'uud Aweys
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

XS
SM
MD
LG