Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo lagu Xiray 5 Askari oo AMISOM Ka Tirsan


Masuuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ee SONNA, Askarta iyo dadkan ayaa ciidamadu ku qabteen goob Geraash ah oo ku taalla Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Goobta geerashka waxaa markiiba soo gaadhay masuuliyiinta ugu sarreeya laamaha ammaanka sida Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee SONNA, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadka lala qabtay ayaa wuxuu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in dadkan la qabtay iyaga oo iibinaya qalabka AMISOM oo ay ka mid yihiin jawaanada difaaca, telefoono, sanduuqyada rasaasta lagu qaato, shidaal iyo alaabo kale.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowlada Soomaaliya.

Illaa hadda kamay hadlin ciidanka AMISOM ee la sheegay in qaar ka mida askartooda falkan lagu qabtay.

XS
SM
MD
LG