Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: 3 Wiil oo Soomaali Mareykan ah oo Lagu Helay Dambiyo


Sawirka Abdurahmaan Daa'uud
Sawirka Abdurahmaan Daa'uud

Xeerbeegtidii Minnesota ee gacanta ku hayay kiiska seddexda wiil Soomaali Mareykanka aheyd, ayaa maanta go'aamiyay in dhammaan dambiyadii cuslaa ee lagu soo eedeeyay dhalinyaradaasi lagu heley.

Xeerbeegtida, ayaa isku raacay in Guuleed Cumar, Cabdiraxmaan Daa'uud iyo Maxamed Faarax ay yihiin dambiilayaal lagu heley dambiyadii lagu soo eedeeyay ay ka mid yihiin inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS, sidoo kale inay dilal ka geystaan dalka dibaddiisa.

Dhageysiga dacwadda wiilashan, ayaa muddo socotay, qaaddiga maxkamadda ayaa la rajeynayaa in uu xukun ku rido wiilasha lagu heley dambiyadan goor dambe oo aan la cayimin.

Go'aanka oo kooban:

Maxamed Faarax waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, been abuur iyo inuu FBI been u sheegay.

Guuleed Cali Cumar waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, iyo ku takri-fal deeq waxbarasho.

Cabdiraxmaan Daauud waxaa lagu helay inuu galay dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, waxaase lagu waayey inuu sameeyey been abuur.

XS
SM
MD
LG