Isku xirrada

Erdogan oo Booqasho ku Tegey Muqdisho


Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho ku tegey caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Erdogan in Mogadishu

Erdogan in Mogadishu

Madaxweynaha Turkiga oo safarkiisani noqonayo kii saddexaad ayaa xadhiga ka jaray safaaradda Turkigu ka dhistay magaalada Muqdisho oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee dalkaasi ka dhistay wadamada debedda iyo sidoo kale cusbitaal loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey inta uu safarka ku joogo madaxweyne Erdogan.

Erdogan in Mogadisho

Erdogan in Mogadisho

XS
SM
MD
LG