Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US: IS Ayaa Aheyd Halistii Ugu Weyneyd Amniga Caalamka 2015


Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in cabsidii dhinaca argagixisada ahayd ay hadda baahday oo aanay jirin hal meel oo loogu hagaago.

Warbixinta sanadlaha ah ayaa shaaca looga qaadey in ururada ay awoodoodii gaarsiiyeen gobollo dhowr oo ah oo dunida ku yaalla, sida Koonfurbari Asia, gobolka Qooqaas ee woqooyiga Ruushka, iyo Qaaradda Afrika.

Iyadoo kooxaha Boko Haram iyo Shabaab ee al Qaacidda, ay qaadayeen weeraro amniga lagu qal qal galinayo, ayaa haddana dhanka kale kooxda ISIS waxay tahay halista ugu weyn ee uu caalamku wajahayay sanadkii las oo dhaafay.

Iran, ayaa loo arkey waddan taageera argagixisada, iyadoo lagu eedeeyay inay taageerto kooxda Xisbullaah ee Lubnan, ururo argagixiso oo la sheegay inay Gaza, Falastiin joogaan iyo xagjiriin kale oo Ciraaq iyo dalal kale oo bariga dhexe jooga.

XS
SM
MD
LG