Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dhaawacyo la Geeyey Isbitaal Madiina iyo Xildhibaano la Aasay


Qof ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka
Qof ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka

Howlgalkii hotel ambassador ee magaalada Muqdisho, oo xalay ay galeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa lasoo gebo gebeeyey, ayada oo dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday la dilay.

Illaa 53 qof oo ku dhaawacmay weerarka ayaa la geeyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, sida uu VOA u sheegay agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka la geeyey isbitaalka ay xaaladdoodu aad u liidato.

Sidoo kale, laba xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya oo weerarka ku geeriyooday ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Zeynab Abuukar ayaa warbixintan kasoo dirtay Muqdisho.

Wareysi: Wasiirka Amniga Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:19 0:00

XS
SM
MD
LG