Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Socda Agagaarka Falluja


Ciidamada Ciraaq iyo maleeshiyo Shiici ah, oo ay hawadan ka taageerayaan diyaaradaha Marykanka ayaa bilaabay weerar kale oo xooggan oo ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Falluja.

Ciidamadan ayaa magaalada ka galay dhinaca koonfureed, iyagoo qabsaday saldhig boolis.

Generaaal ka tirsan ciidamada oo lagu magacaabo Ali Al-Hamdaani ayaa sheegay in ciidankoodu ay jireen furamaha hore ee maleehiyada Daacish.

Falluja waa magaalada ugu dhow Baqdaad ee kooxdu gacanta ku hayso, waxaana la rumeysan yahay inay tahay meesha ay kooxdu ka soo abaabusho weerarada ismiidaaminta ah ee lala eegto dadka Shiicada ah iyo xarumaha dowladda ee magaalada Bqadaad.

War-saxaafadeed Miltariga Ciraaq uu soo saaray ayaa lagu sheegay in guutooyin ka tirsan cidamada ay shalay ku sii siqeen dhinaca konfureed ee magaalada, iyagoo dhinaca hawada taageerro ka helayay diyaaradaha Maraykanka.

Maraykanku waxay ku qiyaasaeen in inta u dhaxeysa 500 ilaa 700 oo maleeshiyo ah ay kooxda Daacish ka joogaan magaaalada Falluja.

Dhinaca kale, dadka rayidka ah ee iyagu ka baxay magaalada, ayaa sheegay in macluul ay ka jirto magaalada Faluja.

Ku dhawaan 50 kun oo qof ayaa ku xanniban imika gudaha magaalada, kuwaasoo aan imika haysan biyo, koronto iyo shidaal, sida ay sheegtay hay’adda NRC, oo ah hay'ad qaxootiga Norway.

Hay’addaha gar-gaarka ayaa ka walaacsan dadka dhibaatadu soo gaarayso, waxayna QM ku boorisay ku dagaallamaya inay wado u furaan dadka magaalada dagan ee doonayay inay ka cararaan dagaallada.

XS
SM
MD
LG