Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xujayda Iran oo aan Sannadkan Xajka Tegaynin


Warbaahinta dalka Iran ayaa ku soo waramaysa in xujaajta u dhalatay dalka Iran aanay sannadkan aadi doonin xajka sababo la xidhiidha is faham waa ka dhex taaga Sucuudiga iyo Iraan, iyaga oo ku guul daraystay inay heshiis ka gaadhaan arrimaha xajka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA oo soo xiganaysa Wasiirka arrimaha Diinta Cali Jannati, ayaa sheegtay in go’aankan ay qaateen ka dib markii ay ku qanci waayeen habka loola dhaqmay wefti ka socday dawladda Iran oo Riyadh u tegey sidii ay ugala hadli lahaayeen Sucuudiga arrimaha xajka ee sannadkan.

Wasiirka Arrimaha Diinta ee Iran ayaa sheegay inay jawaab ka sugayeen dawladda Sucuudiga illaa maantadan (Axad ah), laakiin habka ay Sucuudigu ula dhaqmeen weftiga Sucuudigu inay sababeen in Xujaajta Iraan aanay sannadkan aadaynin Xajka.
Wasiirka ayaa intaas sii raaciyey inay maalinta Isniinta ee berri ahna ay soo saari doonaan qoraal rasmi ah.

Warbaahinta qaarkeed ayaa ku waramaya inay weli jirto fursad kale oo wadahadaladu ku sii socon karaan si Xujaajta u dhalatay dalka Iran ay sannadkan waajibaadkooda xajka u gutaan.
Xiisadda ka dhex taagan Iran iyo Sucuudiga ee ku aaddan dhinaca Xajka ayaa curatay ka dib markii sannadkii hote ay xajka ku dhinteen illaa 400 oo xujay Iraaniyiin ah.

Sidoo kale waxaa xidhiidhkooda sii xumeeyey ka dib markii dad gadoodsani ay gudaha u galeen safaaradda dalka Sucuudigu ku leeyahay Iran, ka dib markii Sucuudigu ay deldeleen Sheekh Shiica ah.

XS
SM
MD
LG