Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Soomaalida oo Muqdisho ku Kulansan


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ka furay kulanka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, waxaa qodobada shirkan lagaga doodi doono ku jira arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran, iyo weliba barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

XS
SM
MD
LG