Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Sheegey Inay Qabteen Horjooge Shabaab ah


Saraakiisha ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa hawlgal ka sameeyey maanta degaanno ka tirsan gobolka Bakool waxayna sheegeen inay ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shababab oo u qaabilsanaa dhinaca ururinta Zakawaatka.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Xasan Isaaq Nuur.

Intii uu socday hawlgalkan lagu soo qabtay ayaa la sheegay inaan iska horimaad dhicin waxaana la sheegay in sarkaalkan laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala tuulada Yabyab oo 30 km dhinaca Bari ka xigta magaalada Xuddur.

Waxaa la sheegay in ninkaasi uu hadda ku sugan yahay saldhigga milatariga degmada Xuddur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku ilaalinayaan ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM.

Maalintii shalay ayey hawlgal ay sameeyeen ciidamada waxay isku farasaareem maleeshiyada Al-Shabab, waxaana la sheegay in iska horimaadkaasi ay ku geeriyoodeen ugu yaraan laba qof oo ka tirsan dhinacyada dagaalamay.

XS
SM
MD
LG