Isku xirrada

Wareysi: Aabaha dhalay 2 Wiil oo Loo Heysto Argagixisnimo


Cabdulxamid Farax

Cabdulxamid Farax

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, waxaa weli ka socota dacwadda saddex dhalinyaro ah oo Soomaali oo loo haysto inay doonayeen inay ku biiraan ururka ISIS iyo inay falal dil ah ka gaysan rabeen dibedda waddankan kadib marka ay ka baxaan dalkan, eedahaasi oo ay beeninayaan.

Maalmahan waxaa marqaati fur bixinayay wiil lagu magacaabo Cabdiraxmaan Bashiir oo sheegay inuu ka mid ahaa wiilasha damcay inay tagaan dalka Siiriya balse markii dambe go’aansaday inuu si qarsoodi ah ula shaqeeyo hay’adda FBI-da. Weriyahayaga Falastiin Axmed Iiman oo ku sugan Minneapolis ayaa la kulantay Cabdulxamiid Faarax oo ah aabaha laba dhalinyaro ah oo midi qirtay dambiga lagu soo eedeeyey midna uu ku gacan sayray, waxayna ugu horrayn weydiisay sida uu u arko caddaymaha illaa haatan la hor keenay maxkamadda?

XS
SM
MD
LG