Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burburkii Diyaaradda Egyptair oo la Helay


Burburkii Diyaaradii shirkadda EgyptAir ee ku dhacday badda Mediterranean-ka ayaa la helay. Masar ayaa sheegytay inay u badan tahay in fal argagixiso darteed ay diyaaraddu u dhacday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka ka helay meel u dhow Jaziiradda Giriiga ee Karpathos.

Diyaaradan oo siday 66 rakaab ah, ayaa ka soo duushay magaalada Paris, waxayna u sii socotay Qaahira.

Diyaaradan ayaa la waayay waxyar kadib markii ay gashay hawada Masar.

Wasiirka Duulista Masara Sherif Fathy ayaa sheegay in Faransiisku uu mas'uul ka noqonayo wixii guuldarro dhinaca amniga ah, haddii la oggaado in fal argagixiso uu sababay shilka diyaaradaasi.

Madaxweynaha France, Francois Hollande ayaa sheegay inay tahay in si dhab ah loo ogaado waxa dhcay kahor inta aan qiyaas la sameyn.

“Waa inaan xaqiijinaa inaan wax walba oo ku saabsan sababta keentay dhicitaanka diyaaradda aan ognahay, mana jirto wax meesha laga saarayo” ayuu yiri Hollande.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Obama lagu wargeliyey wararkii ugu dambeeyey ee shilkan.

XS
SM
MD
LG