Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Baaritaan Lagu Hayo Dilka Wiil Soomaali Ahaa


Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay baadi-goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay dil toogasha ah oo Bariga London ka dhacay habeenimadii sabtidii aynu soo dhaafnay.

Dhalinyaro hubaysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku toogteen wiil Soomaali ah oo da’diisuna ay tahay 26-jir, ka shaqaynayay baabuurta tagaasida.

Hooyada dhasahay wiilkaasi oo VOA-du ay la xiriirtay ayaa ka gaabsatay in ay waraysi bixiso xiligan hase yeeshee Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa dilalka loo gaysto dhalinyarada Soomaaliyeed ka waraystay Cabdi Xasan oo ah maamulaha xarunta Ocean Somali Community Association oo ka shaqaysa caawinta qoysaska Soomaalida, fadhigeeduna yahay xaafadda Leyton ee dilkaasi uu ka dhacay – waxaana ugu horrayn uu wax ka waydiiyay wax ay kala socdaan dilkaasi.

Wiil Somali ah oo lagu dilay London
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:23 0:00

XS
SM
MD
LG