Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Somaliland oo Dhowr Qof Ku soo Xiray Howlgal


Iyadoo maalinta beri ay Somaliland u dabaal dagi doonto sanad guuradii 25-aad ee gooni isu taageeda ayaa ciidamada ammaanka la galiyay heegan buuxa.

Sidoo kale hawl galo ay ciidamada ammaanka Somaliland sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen falal ka dhan ah amniga.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa VOA u sheegay inay goob ka mid ah goobaha hawl galada laga fuliyay ay kala kulmeen shaqo is hortaag taasina ay keentay inuu dhaawac soo gaadho sarkaal xigeen ka mid ah ciidamada.

Wariayah VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac oo taliyaha Waraystay ayaa ugu horeyn weydiiyay xaalada amaanka iyo halka ay marayso.

Wareysi: Taliyaha Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00

XS
SM
MD
LG