Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyo Maanta Ka Dhacay Magaalada Nairobi


Dibad-baxayaasha oo kala cararaya markii lagu furay sunta dadka ka ilmeysiisa
Dibad-baxayaasha oo kala cararaya markii lagu furay sunta dadka ka ilmeysiisa

Boqolaal dibadbaxayaal ayaa ah isniintii saddexaad bishan gudaheed isugu soo ururay magaalada Nairobi, ayaga oo dalbanaya isbeddel lagu sameeyo guddiga doorashada dalka Kenya, lagana billaabo is-casilaadda xubnaha guddigaas.

Dibadbaxyada ayaa waxa ay sidoo kale ka dhacayaan galbeedka dalka Kenya.

Banaanbaxayaasha oo badankood ah taageerayaasha isbaheysiga mucaaradka ee CORD, ayaa guddiga madax banaan ee doorashada ku eedeynaya in la jiraan isbahayesiga talada haya ee Jubilee.

Waxa ay lee yihiin in guddiga uusan awoodin inuu qabto doorasho si cad oo xor iyo caddaalad ah u dhacda.

James Orengo oo ah senator ka tirsan isbaheysiga CORD, ayaa hoggaaminaya dibadbaxayaasha oo ku qeylinayey “Is-beddel la’aan, doorasho ma dhici karto”.

Waxa uu sheegay in doorasho caddaalad ah aysan dhicin karin inta uu jiro guddiga doorashada ee iminka.

“Waxaa naga go’an inaan xaqiijino in haddiiba doorasho la qabto ay noqoto mid waafaqsan dastuurka Kenya, oo dhigaya in doorashadu noqoto mid caddaalad ah oo madax banaan” ayuu yiri Orengo.

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo ku furay dadka dibadbaxayey, kadibna kala ceyriyey.enya ayaa lagu wadaa in doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamanka ay qabato bisha august ee sanadda 2017.

XS
SM
MD
LG