Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Peter De Clercq


Madaxweyne Xasan iyo Peter De Clercq
Madaxweyne Xasan iyo Peter De Clercq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, Peter De Clercq.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay shirka caalamiga ee Arrimaha Gargaarka Aadminimada Dunida oo toddobaadka dambe ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Soomaaliya, ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka shirkaasi ka qeybgalaya, halkaasi oo la filayo inaykusoo bandhigto sida ay u socdaan hawlaha gargaarka, iyo sida loo tayeyn karo gargaarka loo fidiyo Soomaaliya.

Shirweynaha ka dhacaya Istanbul ayaa waxaa lagu barbar qaban doonaan kulan gaar ah oo lagu eegayo xaaladda aadminimo iyo samafalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG